Kulan Lagula Dar-daarmayay Kooxaha Taageerada Iyo Dabagalka Adeega Caafimaadka Oo Ka Dhacay Jigjiga.

ddsi3Jigjiga (estvlive.com) 24/12/2016

Waxaa ka dhacay maanta barxada wayn ee xafiiska caafimaadka DDSI kulan lagula dar-daarmayay kooxaha Taageerada iyo dabagalka adeega caafimaadka oo ah afar kooxood oo loo kala dirayay shanta  gobol ee Qoraxay, Jarar, Nogob Erer iyo Doolo si kor loogu soo qaado tayada heerka adeega caafimaadka oo ka hoosaysay gobolada kale ee DDSI.

 

ddsi5Waxaana ka soo qayb-galay kulankaasi  masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Hasan Ismaaciil Cali agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadka, shaqaalaha xafiiska caafimaadka iyo kooxahan u kala baxayay gobolada.

Wasiirka caafimaadka DDSI  mudane xasan ismaaciil cali oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka warbixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga midho dhalin lahaa qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha qaybtiisa 2aad (GPT2ga)  kaasi oo ay qaybka tahay kor u qaadida adeega caafimaadka DDSI. wasiirka ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI oo ka duulaya taaba galinta qorshayaasha xukuumada DDSI uu xooga saaray sidii bulshada deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh si loo suurgtagaliyo taas uu xafiiska caafimaadka DDSI hindisay in la sameeyo lana hirgaliyo kooxaha  taageerada iyo dabagalka adeega caafimaadka oo laga soo xulay khabiirada shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI si ay kor ugu soo qaadaan adeega caafimaadka goboladan loo doortay hadda in ay ka hawlgalaan. Wasiirka ayaa kula dar-daarmay kooxahan in ay si qoto dheer uga soo baxaan xilka iyo  waajibaadka loo egmaday si hagar la’aan ahna ugu adeegaan bulshada.

ddsi2Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka  qorshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan oo warbixin dheeriya ka siiyay warbaahinta DDSI ujeedooyinka loo dirayo kooxahan ayaa sheegay in ay yihiin kooxo loogu talagalay in ay kor u soo qaadaan kana shaqaysiiyaan dar-dargalinta  xarumaha caafimaadka, tayada adeega caafimaadka, dhinaca maamulka cududa shaqaalaha, xog ururinta, xidhiidhka bah-wadaagta iyo  adeegsiga agabka caafimaadka. isaga oo intaasi ku daray in ay wax-wayn ku soo kordhindoonaan tayada adeega caafimaadka ee xurumaha degmooyinka goboladan loo diray.

 

 

Comments are closed