Mudo kordhintii ugu danbeysay ee loo sameeyay madaxweynaha ayaa waxaa ka harsan labo cisho oo kaliya, waxaana lagu waramayaa in qoraal uu u diray baarlamaanka uu ku dalbaday mudo kordhin labo beelood ah.
[AdSense-B]
Sababta ugu weyn ee soo celcelisay dib u dhaca ku yimid dhismaha golihii wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu micneynayaa madaxweynaha oo mashquul ku ah siyaasada la xiriirta doorashada hogaanka sare ee dalka.
Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabo Ismaaciil Max’ed Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in baarlamaanka uu yeellanayo kulan ay uga doodi doonaan codsiga mar kale uga yimid madaxweynaha maamulka Cali C/llaahi Cosoble.
Ugu danbeyntii, lama oga in baarlamaanku aqbali doono codsiga labada bilood ah iyo in kale, balse waxaa muuqata in dib u dhac mudo dheer ah mar kale uu ku iman doono dhismaha gollaha wasiirada Hirshabeelle.
Comments are closed