Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Guno-Gado & Shirkii Nairobi Sir-Culus laga helay Lasoo Bandhigay

15590075_10154869874121663_6121689678435211441_nGuno-Gado (estvlive.com) 24/12/2016

Ujeedada ugu waynayd ee shirwaynihii Magaalada Gunagado laga lahaa ayaa ahayd sidii Xadhiga uu Madaxwaynaha Ddsi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisu uga jari lahaayeen Mashaariicaha Horumarinta Biyaha ee degmada Gunagado iyo Magaalada laga hirgaliyay taasoo ay Ku baxday Aduun lacageed oo kor u dhaafaya 200,000,000 (laba boqol oo Milyan) iyadoona ay isugu jiraan mashaariicaha biyaha laga dhaqan galiyay degmada Gunagado labo mashruuc oo kala ah Mashruuca Biyaha macaan loogaga soo jiiday Degmada Birqod oo 40km u jirta iyo Mashruuca Lagu Macaaneeyay Biyaha Ceel hore looga Qoday Gunagado oo ay biyihiisu yara adkaayeen kaasoo lagu soo baadhay Dalka hindiya islamarkaana warshada biyaha macaanaysa hindiya looga keenay ay Rakibeen Injineero Hindi ah tababarna siiyeen shaqaalaha wakaalada biyaha ee Degmada gunagado.

guno-gado1Shirkan ka dhacay magaalada Gunagado oo aynan u kala hadhin Waxgaradka,garaadka guud ee 6da Degmo, suldaanada, Aqoonyahanka iyo Masuuliyiinta Qaabdhismeedka gobolka jarar ayaa ahaa shir aad loogu lafaguray Marxaladihii Shalay la soo maray ee ay ka mid ahaayeen Dibudhicii, àmni xumadii, Kufsigii, dilalkii iyo Gumaadkii laga soo qorsheeyay Asmara ee Kox-da Nabad-ddidka u gaysatay Guud ahaan shacabwaynaha DDSI gaar ahaan shacabka 6da Degmo kana mid ahaayeen xasuuqyo-wadareedyadii ka dhacay Gunagado, Bukudhawa, Awaare, Cobale, Bulxan, laas galool iyo Goobo kale.

guno-gado2Sidoo kale shirwaynahan ayaa si aad u faahfaahsan looga hadlay isbedelada Horumarineed iyo kobaca dhaqaale ee ay ku talaabsadeen 6da Degmo ee kala ah Gunagado, Dhagaxbuur, Yoocaale, Awaare, Dig iyo Bilcilbuur oo ahaa Degmooyin at Nabad-diidka tacadiyo ba’an iyo burburin nolosha aasaasiga ah u gaysan jireen iyadoo shirwaynaha la isku waydiiyay Xiligii ugu horaysay ee shacabka iyo biri ma gaydada 6da Degmo loo gaystay Dilka, dhaca iyo Kufsiga oo ahayd xiligii hogaanka Nabad-diidka Maxamed Cumar Cismaan oo qabtay.
Shirwaynahan oo Hogaanka Dhaqanka iyo waxgardku ay si kal iyo laaba uga munaaqashoonayeen ama ugu soo bandhigayeen farqiga u dhaxeeya Dibudhicii iyo Dilkii Nabad-diidka u gaysan jirtay Shalay iyo Horumarka dhinac walba ah, Nabad ku seexashada iyo Taakulada Nololeed iyo kor u qaadida dhaqaalaha iyo Nolosha Qoys kasta ee ay xukuumadu la garab taagan tahay maanta ayaa mar kaliya si Cadho iyo cambaarayn leh uga faalooday Ajande Cusub oo ku saabsanaa Shir shaqsiyaad dano gaar ahaaneed leh oo siyaasado Guracan iyo Al-qushaash salka ku hayay ku qabteen Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada NAIROBI.
15589645_10154869876196663_6654759953062460783_nIntaa ka dib ayaa ay xubno goobjoog u ahaa shirka Nairobi oo ku sugan kenya iyo kuwo ka mid ahaa qabanqaabiyayaashii oo shirka gunagado joogay ay soo bandhigeen xogo dheeraad ah iyo Siro cusub oo ku saabsan Qorshihii shirka nairobi lagu damacsanaa iyo cidii kabdanbaysay hadaba dadkaas siraha culus keenay ama soo gudbiyay ayaa isugu jiray kuwo dibadaha jooga oo shirka Nairobi ka qayb galay kunavsoo noqday Deegaanka iyo kuwo nairobi ku sugan oo tiradoodu ka badan tahay 30 qof ayaa soo gudbiyay Xogdhab ah iyo Sir Culus dadkaasoo uu ugu horeeyo CABDULAAHI AXMED KIRIX  oo bar bilow ilaa dhamaad Shirka Nairobi hal hal uga sheegay Shirwaynaha wadatashiga Gunagado isagoona Yidhi!!.
1.Qabqablayaashii shirka Nairobi waxaa jiray Ajandayaal u qorshaysnaa ee ay Dadka ku khaldayeen.
2.Shirka Nairobi waxaa looga dan lahaa nidaam Qorshe lagu soo noolaynayo Nabad-diidka islamarkaana labadalo Hogaanka Nabad-diidka Maxamed Cumar Cismaan islamarkaana lagu bedelo Axmed Cumar Jees sida uu CABDULAAHI AXMED KIRIX xaqiijiyay.
3.in Shirka Nairobi ay soo Abaabuleen Alshabaab iyo Asmara oo ay Maxamed Cumar Cismaan iyo Mustafe Cagjar shir ku soo qaateen.
4.wuxuu ahaa nidaam korneeladii iyo saraakiishii soomaaliya Shaqo Abuur loo samaynayo.
5.Shirka Nairobi waxaa Soo shidaalinayay ama ka danbeeyay ahaayeen Nabad-diid iyo Alqushash.
6.Waxaa la helay Sir Culus iyo Liiska magacyada xubnihii Nabad-diidka ahaaa ee shirka Nairobi Abaabulayay.
7.in Qaadhaan lagu aruursado.
8.Waxaa la soo gudbiyay Muuqaalo iyo qoraalo ku saabsan Danihii gaar ahaaneed iyo sirtii laga lahaa shirka Nairobi oo ay is dhaafsanayeen Xubnaha Nabad diidka shirka Nairobi buddhigaha u ahaa walow ay jireen shaqsiyaad hugun raac ahaa iyo kuwo lagu khalday magaca guud ee shir khiyaameedka loogu magac daray.

 

Axmed Cumar jees oo ahaa saraakiishii Soomaaliya ee dawladii maxamed siyaad bare ayaa ka mid ah hormuudka Burburiyay soomaaliya ee halka ay maanta shacabka soomaaliyeed taagan yihiin sababay sidoo kalana sababay in qaxootigii Soomaalida itoobiya ee soomaaliya lagu gumaado Hargaysa, Ban balaayo iyo Afgooye oo kaga dhex cararay intuu dagaal naf la caari khiyaamo shacab ah ka riday.

F.G: Dib ayaan idiinka soo gudbinaynaa Baaqii Shirwaynihii Guunagado iyo Liiska Magacyada dadkii Nabaddiidka ahaa ee shirka Nairoobi Qabqablayaasha ka ahaa.!!!

Comments are closed