Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa toogtay labo nin oo dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa bastoolado iyo bambooyinka gacanta, isagoo xiligaas ku sugnaa Baar ku yaal inta u dhaxaysa Taliska Booliska Gobolka iyo saldhiga ugu weyn magaaalada Bosaso ee Bartamaha.
[AdSense-A]
Wararku waxay intaas ku darayaan in dhalinyaradii dilka gaystay ay ka carareen goobtii ay dilka ka gaysteen, hase yeeshee dadweyne caraysan iyo ciidamadda booliisku aya dabagalay balse ilaa iyo hadda laguma guulaysan in gacanta lagu soo dhigo.
Dilka xeer Ilaaliyaha ayaa noqonaya dilkii saddexaad ee muddo labo toddobaad ah ka dhaca magaaladda Bosaso, waxaana hore magaalada loogu dilay Maamulihii madaxtooyadda Bosaso iyo taliye K/xigeenkii saddexaad ee Booliiska Puntland.
Comments are closed