DAAWO Israel oo qaraarkii Golaha Amaanka ku eedeeyey Barack Obama – VIDEO

israel-unka-obama2016Israel (NN) 25/12/2016

Xukuumada Isra’iil ayaa eedayn dusha uga tuurtay Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Maraykanka Barack Obama oo isagu amar ku bixiyey in Maraykanka uusan codkiisa VETO ku horjoogsan Qaraarkii ka dhanka ahaa dhul boobka Isra’iil ka wado Falastiin oo uu Golaha Amaanka ansixiyey Jimcihii.

 

Qaraarkan ka dhanka ah Isra’iil ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha cusub Donald Trump oo isagu si weyn u taageersan Isra’iil.

[AdSense-A]

Go’aanka Obama uu ku fasaxay meel marinta mooshinka ka dhanka ah Isra’iil ee golaha Amaanka la horgeeyey ayaa ah mid Obama uu doonayo inuu ku ciqaabo xukuumada Benjamin Natenyahu ee u badan xagjiriinta Isra’iil ee dhul boobka ku wada deegaanada shacabka reer Falastiin mustaqbalka doonayaan inay ka sameystaan wadankooda u gaarka ah.

Maraykanka ayaa mar walba difaaci jiray Isra’iil isla markaana Golaha Amaanka marar badan horjoogsaday qaraaryo iyo mooshino ka dhan ah Maamulka Yuhuuda, Maraykanka ayaa ku marmarsiyooda in Isra’iil ay difaacaan maadaama inta badan Wadamada Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay mar walba la saftaan dhinaca Falastiin.

Dib u gurashadii Masar
Mooshinkan looga codsanayo Isra’iil inay ku joojiso dhul boobka ay kusii wado deegaanka daanta Galbeed ee wabiga Urdun iyo nawaaxiga magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa waxaa markii hore soo diyaariyey Dowlada Masar.

Balse mooshinkaasi oo lagu waday in todobaadkii hore cod loo qaado ayaa dib loo dhigay kadib markii Isra’iil ay cadaadis ku saartay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump inuu cadaadis isaguna saaro Madaxweynaha Masar ee Cabdifutaxul Sisi in la joojiyo mooshinkaasi. Dowlada Masar ayaa kadib dib ulla noqotay Mooshinkaasi.

Hase yeeshee waxaa mooshinkan markale dib usoo celiyey Dalalka kale ee Xubnaha ka ah Golaha Amaanka Sida Malesia, Senegal, France iyo dalal kale oo dhamaantood isku raacay in la meelmariyo qaraarkan lagu cambaareenayo Isra’iil. Dowlada Masar ayaa markii mooshinkan la soo celiyey aan ka waaban inay codkeeda ku taageerto go’aanka kasoo baxay Golaha.

Maraykanka ayaa isagu ka aamusay codbixinta, arrintaasi oo ka careysiisay Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu oo sheegay inay xiriirka u jarayaan Qaramada Midoobay, go’aana ka qaadan doonaan ciidamada UN-ka uga sugan dhulka ay ka taliyaan. Inkastoo qaraarkan Golaha Amaanka Cambaareeyey Israel hadana maaha mid ay khasab ku tahay inay qaadato ama aqbasho xukuumada Israel, waxaase loo arkaa inay tahay fariin adag oo diblumaasiyadeed.

Comments are closed