DAAWO Russia: Diyaaradii Wasaarada Gaashaandhiga oo burburtay – VIDEO

diyrad-burburtayRuushka (NN) 25/12/2016

Diyaarada gaarka ah ee Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ruushka oo kusii jeeday dalka Siiriya ayaa maanta oo Axad ah la sheegayaa inay ku burburtay meel u dhaw magaalada Xeebta saaran ee Sochi.

 

Diyaaradan oo nooceedu yahay TU-154 ayaa la sheegay inay saarnaayeen dad gaaraya 91 qof oo ay ku jiraan 83 rakaab ah iyo 8 shaqaalo ah.

[AdSense-A]

Wararka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya Ruushka ayaa sheegaya in bada magaalada Sochi ay diyaaradaasi ku dhacday isla markaana hada la helay qeyb kamid ah haraadiga diyaaradaasi.

Saraakiisha laantahawada ee Ruushka ayaa sheegaya in diyaarada Radarka ka baxday 20 daqiiqo kadib markii ay ka duushay magaalada Sochi.

Duulimaadkan ayaa la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Latakiya ee dalka Siiriya oo ah halka uu ku yaal saldhiga Militari ee Ruushka ku leeyahay Siiriya.

Rakaabka saarnaa diyaarada ayaa la sheegay inay ku jiraan Suxufiyiin iyo kooxda Bambeyda Militariga Ruushka oo doonayey inay ka qeyb qaataan xaflada loo dhigayey ciidamada Ruushka ee ku sugan Siiriya maalinta Sanadka cusub.

Weli Macada in sidoo kale diyaarada la socdeen Saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Ruushka.

Comments are closed