Tunisia: Sadex qof oo loo qabtay Weerarkii Berlin

tunisaTunisa (NN) 25/12/2016

Sadex qof oo la sheegay in ay qaraabo yihiin ninkii geystay Weerarkii ka dhacay caasimada Germany ee Berlin ayaa lagu xiray wadanka Tunisia.

 

Ninkii geystay weerarkii Berlin oo isagu asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia ayaa Jimcihii lagu dilay magaalada Milan ee dalka Italy xili uu baxsad ahaa, wuxuuna la dagaalamay ciidamadii doonayey inay qabtaan.

[AdSense-A]

Ragga lagu xiray dalka Tunisia ayaa la sheegay inay yihiin kuwii xiriirka joogtada ah dhinaca baraha bulshada iyo internetka la lahaa ninkaasi lagu eedeeyey weerarkii Berlin oo ay ku dhinteen 12 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo kale.

Waxaa sidoo kale la shaaciyey Filim uu iska duubay ninkii geystay weerarkii Berlin kahor intuusan weerarka qaadin, wuxuuna sheegay inuu ka tirsan yahay taageerayaasha kooxda Daacish oo iyadu ahayd tii sheegatay inay ka danbeysay weerarkaasi.

Comments are closed