Ciidamo ka wada tiran dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay duleedka degmada Balcad

cidanBalcad (NN) 26/12/2016

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal xalay ku dhexmaray labo ciidan oo ka wada tirsan dowladda federaalka, degaan lagu magacaabo xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe

 

Dagaalkan oo khasaare badan gaystay, ayna ku dhaawacmeen dad farabadan ayaa ka bilowday dhulbeereed ku yaala degaankaasi oo lagu murmay,waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidamada dagaalamay kala hogaaminayaan saraakiil ka tirsan dowladda federaalka.

[AdSense-B]

sidoo kale wararku waxay sheegayaan ,in  Mid kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen  ciidanka dagaalamay ayaa lagu dhuftey qoriga baasuukaha, waxaana ka dhalatay khasaare badan, Dhaawacyada askartaasi qaarkood waxaa la geeyey isbitaalka degmada Jowhar oo lagu dawaynayo,

dadka beerlayda iyo xoolo dhaqatada isugu jira ee degaanka dagaalku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka carareen guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba in waxyeelo loo gaysto

Gabagabadii, Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka  shabeeleda hoose ayaan weli ka hadlin  dagaalka ka dhacay  degaanka Balacad, iyadoo labada ciidan ay kala hoggaaminayaan  Saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed

Comments are closed