Puuntland oo sheegay sida loo kala qaadanayo saddexda kursi ee lagu kordhiyay aqalka sare

downloadGaroowe (NN) 26/12/2016

Kaddib war-murtiyeed ka soo baxay habeen hore shirkii madasha-wada-tashiga oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday magaalada Muqdisho hogaamiyayaasha madasha-wada-tashiga, ayaa lagu go’aamiyay in 18 xubnood lagu kordhiyo aqalka sare,  iyadoo mid saddex xubnood maamul walba loo kordhiyay.

 

Haddaba  madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas, ayaa sheegay in siddexda xubnood ee Puntland ay ka heshay tirada lagu kordhiyay aqalka sare labo xubnood la kala siin doono beellaha ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, halka kursiga kale ee soo hartay loo qoondeeyay beesha 5 aad ee degta deegaannada Puntland.

[AdSense-B]

Arintan ayaa meesha ka saareysa khilaafkii adkaa ee ka taagnaa qoondada gobollada W/qooyi ay ka helleen aqalka sare  oo Puntland ay ku doodday in ay labo xubnood ku leedahay, hasse ahaatee shirka madasha ayaa go’aan ku gaaray in dhamaanba la kordhiyay tirada xubnaha aqalka sare ee dowlad gobolleedyada, si meesha looga saaro cabashada ay qabaan beellaha aan kuraasta ka helin labada aqal dalka.

Puntlad iyo Soomaaliland ayaa tiro is la eg ku yeellanaya aqalka sare oo maamul walba waxaa uu ku yeellanayaa 14 xubnood, madaama markii hore min 11 xubnood ay ku lahaayeen, halka maamulada kale K/galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeelle yeellanayaan min 11 xubnood.

Ugu danbeyntii, kuraastan danbe ee lagu kordhiyay aqalka sare ayaa ku imanaya magacaabista madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka, halka xubnihii ka horeeyay  ay soo doorteen baarlamaannada maamul gobolleedyada dalka ka jira.

Comments are closed