Beesha Caalamka oo Ka Hortimid Go’aamadii Madasha ee Kordhinta Aqalka Sare iyo Kuraastii Khilaafku Ka Taagnaa.

barlamaanka-federalka-2Muqdisho (NN) 27/12/2016

Warsaxafadeed ay si wadajir u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Belgium, Talyaaniga, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin go’aamadii madasha hoggaamiyayaasha Qaran ay soo saareen 24 December.

 

beesha caalamku waxay sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in kuraasta aqalka sare loo daayo tiradii hore loogu heshiiyay ee 54 xubnood, iyadoo wixii kordhin ah loo daayo doorashadda guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

[AdSense-A]

“sida ku qeexan Dastuurka Ku-Meelgaarka ee Soomaaliya. Wixii wax ku kordhin dheeraad ah oo lagu sameeyo Aqalka Sare waa in laga fikiraa oo laga baaraandegaa oo keliya kadib marka doorashada madaxweynaha lagu qabto baarlamaanka federaalka cusub, loona maro hanaan dastuuri ah oo sax ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Warsaxafadeedka, waxaa kaloo  lagu sheegay in Madashu ay ku guuldaraysatay inay wax ka qabtaan dacwadihii ku takrifalka hannaanka doorashada iyo murankii iyo khilaafkii ka jiray kuraastii aqalka hoose ee guddiga khilaaaafadku ay soo gudbiyeen

“Laakiin tallaabadani waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhowr ka mid ah dacwadihii kale ee ku takrifalka hanaanka doorashada ee aadka u xumaa, oo ay ka midyihiin kuraasta loo qoondeeyay musharaxiinta haweenka ah oo keliya ee ugu dambeyntii qaateen musharaxiin rag ah.” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka, waxaana la sii raaciyay

“Go’aanka MHQ ee lagu buriyay dhammaan go’aanadii guddiyada doorashada dalka ay doorashada kaga reebeen musharaxiin lagu eedeeyay inay geysteen ku-takrifal iyo wax isdabamarin ayaa ka dhigan cafis buuxa oo loo fidiyay kuwii geystay qaar ka mid ah wax isdabamarinadii ugu cad-caddaa ee la arkay intii uu socday geedi-socodkan doorasho. Wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa ballaanqaadkii adkaa ee Dowladda federaalka ay ku gashay inay dhowrto ku dhaqanka sharciga”

“Haddii musharaxiintan loo ogolaado inay ku fariistaan kuraastooda baarlamaanka tobanaad ee Soomaaliya, taasi waxay su’aal gelinaysaa ballan-qaadkii ay muujisay MHQ ee ku aaddanaa mabaadi’da islaxisaabtanka iyo ku-kalsoonaanta oo saldhig u ah geedi-socodka guud ahaan. Sidoo kale, waxay wiiqi doontaa xeerka anshaxa ee ay saxiixeen dhammaan musharaxiinta baarlamaanka oo looga dan lahaa in la simo goobta tartanka laguna xaqiijiyo in la helo geedi-socod lagu kalsoonaan karo”

Beesha Caalamku waxay soo jeediyeen  inay lagama maarmaan tahay in mar kale lagu celiyo doorashada kuraasta ay natiijada codayntooda si cad loo weeciyay, iyadoo la adeegsanayo gacan ka-hadal, musuqmaasuq, cagajuglayn, gudbin ergo doorasho oo aan sharci ahayn iyo in lagu fashilmay in saddexdii kursiba mid si gaar ah loogu asteeyo musharaxiinta  haweenka ah oo keliya.

Warsaxafadeedka beesha caalamka  waxay  ugu baaqeeen baarlamaanka federaalka inay  sida ugu dhakhsiyaha badan u soo saaro jadwal lagu dhamaystirayo geedi-socodka si loo doorto Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada baarlamaanka federaalka ee cusub, iyo Madaxweynaha Federaalka.

“Jadwalkani waa in si dhab ah loo dhaqangeliyaa si looga fogaado dib u dhac dambe oo ku yimaada geedi-socodka doorashada oo ahayd inuu soo dhammaado horaantii sanadkan. Waxaa jirta baahi gaar ah oo loo qabo in geedi-socodka si dhakhso leh loo soo afmeero iyadoo lagu xisaabtamayo shirka soo socda ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelanayo Soomaaliya kaas oo lagu tala jiro in la qabt 19 Janaayo 2017”

Gabagabadii, Beesha Caalamku waxay sheegeen inay rumeysanyihiin in sharafta iyo sumcadda geedi-socodka doorashada 2016 ay tahay mid aan la hubin siday noqon doonto. iyagoo tilmaamay in Dib u dhacyo kale iyo in lagu guul daraysto in lala xisaabtamo dhinacyadii geystay ku-takrifalka iyo wax isdabamarinada ay wax u dhimmi doonaan awoodda iyo rabitaanka beesha caalamka ee la-shaqaynta dowladda federaalka ah ee soo socoto

Comments are closed