DAAWO Afghanistan: Abaanduule Muhiim ah oo ka tirsan Talibanka oo la dilay – VIDEO

fganistanAfghnistan (NN) 27/12/2016

Dowlada Afghanistan ayaa sheegtay in la dilay mid kamid ah abaanduulayaasha muhiimka ah ee kooxda Talibanka oo ay in muddo ah baadi goobayeen.

 

Hogaamiyahan Mullah Fayruus Jihadi ayaa la sheegay in lagu dilay hawlgalo ka dhacay gobalka Ghanzani ee bariga wadankaasi. Hogaamiyahan ayaa kamid ahaa saraakiisha Talibanka ee abaabulayey weerarada kooxdaasi ka wado bartamaha Afghanistan.

[AdSense-A]

Mullah Fayruus ayaa sidoo kale ahaa hogaamiyihii Maleeshiyaadka Talibanka ee weerar culus ku qaaday magaalada Kunduz oo marar badan laga saaray ciidamada Dowlada Afghanistan.

Militariga Afghanistan ayaa xiligan wada iska caabin xoogan oo ku aadan Talibanka oo duulaano xoogleh ku qaaday dhowr gobal xili dalkaasi ay ka baxeen in badan oo kamid ah askartii shisheeye ee NATO oo horey dowlada gacan uga siin jiray dhanka amniga.

Comments are closed