Guddoomiyahan ayaa ah kii ugu horeeyey oo aan muslim ahayn oo qabta xilka maamulka caasimada Indonesia oo ay u badan yihiin dadka muslimiinta.
[AdSense-A]
Eedeynta ah inuu Quraanka aflagaadeeyey ayaa la xariirta khudbad uu jeediyey xiligii bilowga ololaha doorashada gobalkaasi, xiligaasi oo uu sheegay in siyaasiyiinta kasoo horjeeda isaga ee Muslimiinta ah ay si khaldan u isticmaalayaan Aayadaha Quraanka Kariimka.
Wuxuuna sheegay in siyaasiyiinta la tartamaya ay dadka u sheegayaan inaysan dooran karin qof aan muslim ahayn halkii la rabay inay kula loolamaan siyaasadooda iyo qorshaha ay wataan, balse arrintan ayaa keentay in laftiisa lagu eedeeyo inuu Quraanka Kariimka faraha la galay, walow uu isagu eedeyntan iska fogeeyey.
Comments are closed