Wardegdeg ah Madaxweyne DDSI oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa xukuumadda & Magacaabis Cusub

ddsi-6Jigjiga (estvlive.com) 27/12/2016

Hogaaminta sare ee xukuumada DDSI ayaa kulan ay saaka yeesheen ku ansixiyay iskubadal iyo magacaabis cusub iyagoo udhigay sidan:

 

  1. Mudane Xasan Ismaaciil Ibraahim oo ahaa Hogaanka xafiiska nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada ee DDSI ayaa waxaa loo badalay komishineerka komishinka Asluubta DDSI
  2. Taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah General Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale waa ahna kusimaha xafiiska nabadgalyada, maamulka iyo cadaalda DDSI
  3. Mudane Anwar Cali waxaa loo magacaabay lataliyaha madaxwaynaha dhinaca biniaadanimada iyo xidhiidhka hay’adaha
  4.   Waxaa mayorka maamulka magaalada jigjiga loo magacaabay mudane Siciid Saleebaan Axmed oo horay u ahaa kuxigeenka komishinka cabashooyinka

 

[AdSense-B]

5  Mudane Guuleed Aw-Cali Kaahin waxaa loo magacaabay maareeyaha cilmi baadhista DDSI

  1. Mudane Maxamuud Heeryo waxaa loo badalay kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI
  2. Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi waxaa loo magacaabay Maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI
  3. Mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin oo ahaa gudoomiyaha degmada jarati waxaa loo magacaabay maareeyaha kuliyada tababarka macalimiinta ee Dr. cabdimajiid
  4. Mudane Cabdinuur Colow oo ahaa kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI waxaa loo badalay kuxigeenka xafiiska arimaha bulshada DDSI
  5. Gudoomiyaha gobolka faafan waxaa loo magacaabay mudane Cabdi Xuseen Cali (cabdimadoobe)
  6. Sidoo kale komishinkii hore ee asluubta mudane Shalaqe Nuur Cabdi Muxumed waxaa loo magacaabay komishineerka komishinka booliska gobolka Nogob
  7. Mudne Shugri Badal Miyir waxaa loo magacaabay komishineerka komishinka booliska gobolka Dhawa.

Comments are closed