Kulanka kama dambeysta ah ee ciyarahaasi ayaa waxaa isugu soo haray gobolka Banaadir iyo HirShabeelle
Gabdhaha ku ciyaarayey magaca gobolka Banaadir ayaa 66 dhibcood kaga adkaaday kooxda Hirshabelle oo 46 la timid ciyaartii finaalka ahayd.
Ciyaarahan ayaa waxaa u soo daawasho tegi jiray galab walba dadweyne fara badan, waana markii ugu horaysay ee la qabto tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Tartankankan ayaa waxaa u jeedkiisu yahay soo celinta ciyaaraha kubadda kolayga gabdhaha iyo sidii loo heli lahaa gabdho matala kara Qaranka Soomaliya.
Comments are closed