Shirwaynihii 3aad Ee Golaha Federationka Haweenka DDSI Oo Bilowday Magaalada Jigjiga

ddsi2Jigjiga (NN) 28/12/2016

Shirwaynihii 3aad ee Golaha Federationka haweenka DDSI oo ay kasooqaybgaleen Wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta, masuuliyiinta xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska iyo ururada fadertionka haweenka islamarkaana lagudooranayay xubno golo dhaxe ah iyo gudifulin ayaa si habsami leh uga furmay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

 

ddsi1Hadaba, shirwaynahan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo ugu horayn u mahadcelisay dhamaan kasooqaybgalayaasha shirwaynahan iyadoo sheegtay in shirkani yahay shirkii caadiga ahaa ee golaha fedrationka haweenka deegaanka islamarkaana laqabanjiray sadexdii sanoba hal mar.

[AdSense-B]

ddsi4Wasiirada oo hadalkeeda siiwadata ayaa tilmaantay in xukuumadu u dajisay haweenka qorshayaal horumarineed oo ay kaga qaybqaadanayaan horumarka iyagoo adeegsanaya tubta iyo xeeladaha kala duwan ee ay u leeyihiin iyadoo sidookalana haweenku ay kaqaateen doorkoodii kaga aadana horumarka deegaanka iyo nabadgalyada.

Isku soo wada duuboo, shirwaynahan golaha ferationka haweenka deegaanka ayaa jawi wanaagsan kusoo dhamaaday.

Comments are closed