Ban Ki Moon Guul Taariikhi ah Ku Tilmaamay Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal

bankimonMareykanka (NN) 29/12/2016

Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, kuwasoo shalay lagu dhaariyay Magaaladda Muqdisho

 

Xoghayaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadda oo ku tilmaamay inay ahayd guul taraiikhiga ah, wuxuuna ku booriyay xildhibaanadda Labad aqal inay sii wadaan  geedi socodka hanaanka doorashooyinka oo ay doortaan afhayeenada labada aqal iyo madaxweynaha dalka,

[AdSense-B]

“Baarlamanka waa inuu wax ka qabtaa arrimaha sharciga ee muhiimka ah oo ay ku jirto sameynta dastuur joogto ah oo Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo loogu daneynayo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

wuuxu ka hadlay musuqmaasuqii iyo wax isdabarintii doorashadda, isagoo tilmaamay in sharci darro kasta, xadgudub iyo wax isdaba marin oo ay soo tebiyeen guddiyada doorashada ee heer federal ama heer gobol si buuxda wax looga qabto si loo ilaaliyo sax ahaanshaha hanaanka doorashada.

wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si deg deg ah  u soo  dhamaystiraan kuraasta labada aqal ee ka dhiman baarlamanka, isagoo xasuuusiyay xaqiijinta  kuraasta loogu talo-galay haweenka ay buuxiyaan oo kaliya haween.

Gabagabadii, Xildhibaanadda labada aqal ayaa laga dhowrayaa inay ku dhawaaqaan xiligi la qabanayo doorashadda guddoonka Barlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Comments are closed