DAAWO Jubbaland: Hawlgalka AlShabaab looga saarayo Galbeedka Jubooyinka – VIDEO

jubalandKismaayo (NN) 29/12/2016

Waxaa todobaadkan bilowday hawlgalo ay ciidamada Jubbaland ka wadaan deegaanada Galbeedka ugu beegan xaruntooda Kismaayo, hawlgalkan ayaa ah tijaabadii ugu horeysay ee ciidamada dhawaan loo tababaray maamulkaasi.

 

Ciidamadan oo ay wehliyaan gaadiidka dagaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka baxayey magaalada Kismaayo, xili sidoo kale la sheegayo in maleeshiyaadka Al Shabaab ay dhaq dhaqaaq xoogan ka wadaan xaruntooda magaalada Jilib oo hada u ah saldhigooda u weyn.

[AdSense-B]

Hawlgalka hada socda ayaa ah mid Jubbaland diirada ku saareyso inay Al Shabaab ka saarto deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka waaweyn ee Jubooyinka, isla markaana wadooyinka galbeedka ka yimaado ka fogeyso xoogaga Al Shabaab oo weeraro joogto ah halkaasi ka geysta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey dagaalo dhexmareen dad xoolo dhaqato ah oo iyagu iska difaacay weeraro uga yimid dhanka Al Shabaab oo xiligaasi isu diyaarineysay hawlgalada ay bilaabeen ciidamada ka yimid Kismaayo.

Dagaaladan ayaa noqonaya tijaabinta ugu horeysay ee awooda ciidamada bilihii lasoo dhaafay lagu tababarayey magaalada Kismaayo.

Xoogaga Al Shabaab ayaa muddo dheer khal khal ku hayey deegaanada Galbeedka uga beegan Kismaayo, sidoo kalena weeraro ku qaaday gaadiidka ciidamada AMISOM ee Kenya ee kasoo gala dhinaca xaduuda Kenya.

Comments are closed