DAAWO Obama oo ku dhawaaqaya Cunaqabateyn la saarayo Ruushka – VIDEO

obamaMareykanka (NN) 29/1/2016

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo cunaqabateyn dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed oo la saarayo dalka Ruushka oo lagu eedeenayo inuu ka danbeeyey weeraradii Internetka ee lagu qaaday Xisbiga Dimuquraadiga ee Maraykanka kahor doorashada Guud ee sanadkan dhacday.

 

Ruushka ayaa lagu eedeenayaa inuu si hoose u taageerayey Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo doorashada ku guuleystay.

[AdSense-B]

Cunaqabateynta ayaa ah mid sida la filayo in si gaar ah loo saaro Xukuumada iyo shirkadaha xiriirka laleh Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Ruushka ayaa dhankiisa durbaba ku goodiyey inuu jawaab ka bixin doono tilaabo walba oo uu Maraykanka qaado.

Dhinaca kale taageerayaasha Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Doland Trump ayaa kasoo horjeeda in sare loo sii qaado xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo Maraykanka, iyagoo ku doodaya in Obama uu damacsan yahay inuu wax sii kharibo kahor intaan uu xilka la wareegin Mr.Trump 20-ka bisha Janaayo.

Comments are closed