DAAWO Maraykanka iyo Ruushka oo midba midka kale tarxiilayo Diblumasiyiintooda – VIDEO

ruushkaRuushka (NN) 30/12/2016

Dowlada Maraykanka ayaa shaacisay inay Tarxiileyso 35 Diblumaasi oo Ruush ah kuwaasi oo loo qabtay muddo 72 saac ah inay isaga baxaan Wadanka Maraykanka.

 

Diblumaasiyiintan ayaa ku sugan Washington iyo California ayaa sidoo kale lagu amray inay horey usii kaxeystaan Qoysaskooda oo la noolaa. Saraakiishan Ruushka ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin kuwa u adeega sirdoonka Ruushka.

[AdSense-A]

Xukuumada Maraykanka ayaa dhinaca kale cunaqabateyn saartay 9 hay’ adood oo ay ku jiraan hay’ adaha sirdoonka iyo militariga Ruushka.

Waxaa sidoo kale iridaha loo laabay labo guri oo ay dowlada Ruushka ku lahayd gobalada New York iyo Virginia ee Maraykanka oo hoy u ahaa diblumaasiyiinta ka shaqeeya Safaarada Washington ee Ruushka iyo Xarunta Qaramada Midoobay.

Ruushka ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey go’ aanka Maraykanka, waxayna maanta oo Jimce ah ku dhawaaqeen inay iyaguna dhankooda Tarxiilayaan 35 Diblumaasi oo Maraykan ah oo ku sugan Safaarada iyo Qunsuliyada ay ku leeyihiin Ruushka.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergie Lavrov oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan waxna ka jirin in Ruushka uu wax lug ah ku lahaa farogelinta doorashooyinkii ka dhacay dalka Maraykanka, arrintaasi oo uu sheegay inaan wax cadeyn ah loo heyn.

Lavrov ayaa sheegay in talada ah Tarxiilada Diblumasiyiinta Maraykanka ay u gudbiyeen Madaxtooyada Mascow si uu ansixiyo Madaxweyne Putin.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay jawaab ka bixin doonaan Cunaqabateyn kasta oo uu Maraykanka saaro hay’ adahooda iyo shirkadaha kasoo jeeda dalkooda, walow aysan weli faah faahin ka bixin.

Comments are closed