Dowladda Federaalka OO ka Hadashay Khasaarihii Ka Dhashay Weerarkii Al-shabaab ee Afgooye.

afgooyeAfgooye (NN) 30/12/2016

Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Sh/hoose ayaa ka hadlay khasaaraha weerarkii kooxda Al-shabaab ay xalay ku soo qaadeen Degmadda Afgooye oo 30km dhinaca galbeedka ka xigta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Nuur Xayir, oo ah taliyaha Daraawiishta ee Gobolka Shabeeladda hoose ayaa sheegay in ciidamadu gacanta ku soo dhigeen seddax ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhaawac ah, kuwaasoo u sheegay inay u  geeriyoodeen dhaawacii soo gaaray, kaddib markii ay goobtii dagaalku ka dhacay ku dhiig baxeen.

[AdSense-A]

Wuxuu sheegay in  dhaawacyo fudud ay ciidamada dowladda ka soo gaareen dagaalka, isagoo sidoo kale xusay in ciidamadu ay iska caabiyeen kooxdii soo weerartay, ammaanka degmadda Afgooyana uu  sugan yahay

Dhinac kale, Saraakiil ka tirsan ciidamadda Dowladda ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in weerarkii xalay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadda Dowladda Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Daahir Digoote.

Xaalada Degmada afgooye ay saaka  degan, iyadoo ciidamaddu ay howlo baaritaano ay ka wadaan xaafadaha magaaladda. waana markii labaad sanadkan gudihiisa ay kooxda Al-shabaab ay weerar toos ah ku soo qaadaan magaaladda Afgooye.

Comments are closed