Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u mahadceliyey dowladda Talyaaniga oo bixisay deeqda lagu dhisay cusbitaalka iyo Hay’addihii kale ee gacanta ka gaystay , isagoo sheegay in muhiim tahay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Isbitaalku wuxuu leeyahay magac weyn oo marka la maqlo Martini waxaa la soo xasuusnayaa taariikhdii Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waa inaan magacaas sidiisa u dhowrno si taariikhda ummadda loo ilaaliyo. Dhismaha Isbitaalka waa qeyb ka mid ah horumarka dalka ka socda waana inaan ku dhiirinaa hay’adaha iyo shaqsiyaadka suurtogeliyey dhameystirka iyo qalabeynta Isbitaalka sida Hay’ada Iida, Taliska Ciidanka XDS iyo Dowladda Talyaaniga oo dhammaantood suurtogeliyey inaan maanta heysano Isbitaalkii Martini oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Xasan Sheekh
Gabagabadii,Isbitaalka Martini oo ah mid qadiimi ah oo magac weyn ku leh dalka, wuxuu gaar u ahaa ciidamadda, waxaana hadda loogu adeegi doonaan shacabka Soomaaliyeed ee nool muqdisho iyo degaamada ku xeeran iyo ciidammada Qalabka Sida guud ahaan.
Comments are closed