Qurbajoogta Waqooyiga America Oo Agab Deeq Ah Gaadhsiiyay Hoyiga Agoonta ee Fiiq

waqooyiga1Fiiq (estvlive) 30/12/2016

Qurbo joog u dhalatay DDSI ee ku nool waqooyiga ameerika ayaa deeq isugu jirta qalabka waxbarashada iyo qalabka ciyaaraha gaadhsiiyay dugsiga Hoyga agoonta ee Magaalada fiiq.

 

waqooykigHadaba deeqdan ayaa ah mid hiil iyo garabba u ah maatidii iyo ubadkii ay waalidkooda UBO waxyeelaysay. Iyada oo ay xukumadu taageero iyo dadaalba la garab taagantahay sidii heer loo gaadhsiin lahaa ubadka ay waxyeeladu kasoo gaadhay nabad diidkii UBO. Ayaa Waxaana, si wada jir ah u gaadhay dugsiga hooyga agoonta xubno ka socda qurba joogta DDSI ee waqooyiga ameerika oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Ku Xigeenka Ururka Hormarinta Soomaalida Itoobiya Ahna Xubbin ah Guddiga Fullinta X.D.SH.S.I Ee Waqooyiga Ameerika Mudane Faarax Xusseen Furre, Iyo Mudane Khadar Maxamed Colaad oo ah Xubbin Guddiga Fullinta X.D.SH.S.I ee Waqooyiga Ameerika, isla markaana ay weheliyaan Gadhwadeenka Geedi-Socodka Hormarinta Barayaasha Iyo Hogaaminta Waxbarashada Ee Xafiiska Waxbarashada Heer Deegaan Mudane Farxaan Cabdi Makhtal iyo Gadhwadeenka Geedi-socodka Xidhiidhka Jaaliyada Mudane Maxamed Cali Jaamac oo ka socday Wakaalada Xidhiidhka Arrimaha Qurbo Joota DDSI ayaa deeqda qalabka waxbarashada iyo qalabka ciyaaraha guddoonsiiyay Dugsiga Hoyga agoonta ee Magaalada fiiq.

waqooyiga2Waxaana deeqda ka guddoomay Kusii Simaha Gudoomiyaha Gobolka Ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Erer Mudane Dayib Axmed Nuur Iyo Maareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Ee Fiiq Marwo Ubax Mursal Axmed. Hadaba, dadaalada qurbo joogta u dhalatay deegaanka ay wado ayaa ah mid marwalba isa soo taraysa oo muujinaysa wadanimada iyo u garabtaagnida bulshadooda. Iyada oo ay deeqdani tusaale cad u tahay oo deegaanka  ayaan kasoo jeedaa, noqonaysana mid wax laga barto oo taabanay guud ahaanba deegaanka. Gabagabadii ayaa si wada jir ah ay waftigu kusoo kormeereen xaalada baris barasho ee dugsiga hoyga agoonta, isla markaana ku dhiiri galiyeen ardayda iyo barayaashaba si ay u laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan kor u qaaddida tayada waxbarashada iyo ka midho dhalinta natiijada

deq03

 

Comments are closed