Arrintan ayaa sabab u ah weerarkii gaariga xamuulka loo adeegsaday ee lagu qaaday Berlin, kaas oo 12 qof ay ku dhinteen.
Kumannaan ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugaya ammniga meel kasta oo loo arki karo in ay isugu soo baxayaan dadka ka qeyb-qaadanaya dabal-degyada sanadka cusub.
[AdSense-A]
Ciidamada amniga sugaya ayaa la filayaa in ay tallaabo ka qaadaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay u arkaan abaabulka weerar argagixiso sida ay sheegeen saraakiisha dalalka amnigooda sida weyn loo adkeeyay.
Magaalooyiinka amnigooda la adkeeyay waxaa ka mid ah, London, Berlin, Brussels iyo Sydney, qaar kale oo badan oo la filayo in ay ka dhacaan dabaal degyada sanadka cusub.
Wadooyinka qaar waxaa la dhigayaa qalab culus oo gawaarida aysan ka gudbi karin, gaar ahaan waxaa lagu gooyay dhagxaan waaweyn oo la sheegay in looga hortagi doono weerarada gadiidka loo adeegsado.
Bartamaha magaalada Paris oo ay isugu tagi doonaan kumannaan qof oo dabaaldegaya, waxaa la xirayaa dhammaan meelaha laga galo, sida laamaha amniga ay sheegayaan.
Amniga magaalooyiinka Madrid iyo New York ayaa sidoo kale la adkeyn doonaa, iyadoo foojignaan dheeraad laga qabo weeraro argagixiso.
Ugu danbeyntii, meelaha qaar waxaa la joojiyay qarxinta baaruudda la adeegsado xilliyada dabaaldegyada, si dadka isku soo baxay arintaa anfariir uga qaadin.
Comments are closed