Wasiirkii deegaanka ee dawlada Burundi ayaa xalay lagu dilay caasimda dalkaa ee Bujumbura.
Waziirka ayaa markii la dilayay kusii jeeday gurigiisa. Dalkaa oo ciidamo nabad ilaalin ah Soomaaliya usoo diri jiray hadana ciidamo wali ka joogaan Soomaaliya ayaa asaga qudhiisu galay carqalad iyo xasillooni la’aan sanadkii 2015.
[AdSense-A]
Waziirkii deegaanka ee Burundi Emmanuel Niyonkuru ayaa ahaa 54 sano jir.
Wax yar kadib saqdii dhexe ee xalay ayaa la dilay sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska ee dalkaa Pierre Nkurikiye.
Waa waziirkii ugu horeeyay ee dawladaa ee la dilo laga soo bilaabo sanadkaa 2015 markii dalkaa ay carqalad siyaasadeed ka bilaabatay inkastoo dad kale oo masuuliyiin ahaa dalkaa lagu dilay waqtigaa wixii ka dambeeyay.
Qof qori ku hubeysnaa ayaa rasaas ku furay waziirka oo kusii jeeday gurigiisa oo kuyaal xaafada Rohero ee Bujumbura.
Qof dumar ah ayaa loo soo xiray inay kulug leedahay faldambiyeedkaa.
Ugu yaraan 500 oo qof ayaa lagu dilay dalkaa 300,000 oo qofna jaanta ayay wareen laga soo bilaabo Abriil 2015 markii xiisado colaadeed ay dalkaa ka bilowdeen.
Comments are closed