Mudane Hadliye oo wareysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu ku tilmaamay Hotel Peace ee ay Alshabaab sheegeen inay bartilmaameedsanayeen inuu yahay Hotel ammaankiisu uu aad u sugan yahay.
[AdSense-A]
“Qaraxyadan waxaa ay qeyb ka yihin kuwa maanta ka dhacay aduunka oo idil Baqdaad,Cadan,Turkey iyo Brazil ayeey ka dhacday maantana waa Muqdisho inta la ogyahay waxaa ku dhintey saddex ruux burbur badana waa soo gaaray Hotelka.”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Hadliye.
Waxaa uu sheegay in wasiirka in dowlada federaalka inta awood dadaal xoog leh ugu jirto sidii looga hortagi lahaa kooxahan, laakiin waxaa uu sheegay in ay adag tahay dhinaca kale in la ilaaliyo qof isaga doonaya in uu naftiisa gooyo.
”Qof subaxii hore ku soo toosaya in uu maanta dhimanayo, qofkii kale ee ka hortagana doonaya in uu dilo wey adag tahay in laga hortago, laakiin dowladda aad ayeey dadaalkeeda amniga u kordhisay” ayuu yiri wasiirka.
Ugu danbeyntii, wasiirka hay’addaha amniga isagoo xusay in doorashooyin lix magaalo lagu qabtay haatana ay magaalada Muqdisho ka socoto sidii loo dooran lahaa guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Comments are closed