Marwo Azeb Mesfin Oo Mar Labaad Loo Doortay Gudoomiyaha Meles Foundation

cakaaraAddisababa (estvlive) 04/01/2017

Waxaa mar labaad marwo Azeb Mesfin dib loogu doortay gudoomiyaha gudiga Meles Foundation meesha kuxigeenkana loo doortaymudane Shiferaw Shigute oo ah madaxa xarunta dhexe ee EPRDF Kadib qiimayn lagu sameeyay qorshayaashii waxqabadka xarunta tababarada iyo cilmi baadhista ee meles foundation uu hirgaliyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

 

Gudigan xarunta tababarada iyo cilmi-baadhista ee meles zenawi foundation ayaa ah gudi kakooban 14 xubnood oo 4 kamid ah ay yihiin qoyska ama ehelka meles zenewi waa sida uu bayaanka lagu aas-aasay xaruntani dhigayee meesha 9ka kalana kasoo jeedaan deegaanada kale ee dalka maadaama uu mudane meles ahaa mas’uul itoobiya oo dhan udhexeeya. Waxaana madaxdii 4tii sano ee lasoo dhaafay ee foundationkan kamid ahaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba shirwaynaha foundationkan oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha gudiga foundationka marwo Azeb Mesfin iyo kuxigeenkii hore ee foundationka mudane Kassa Teklebirhan ayaa 4 sano kadib waxaa galinkii hore ee maalintii shalay isugu yimid 300 oo qof iyadoo kulankana lagu falanqeeyay laguna qiimeeyay qorshayaashii waxqabadka ururkan islamarkaana dood dheer kadib lagu ansixiyay waxqabadyadii kaladuwanaa ee uu qabtay ururku oo ay kamid ahayeen dhismayaal waawayn oo si cajiib ah loo dhisay oo 80% dhamaaday, Libreeriyo iyo meelo lagu kaydiyay masxafyadii iyo qoraaladii waxqabadkii mudane meles zenewi-raisal wasaarihii hore ee dalka oo bilow ilaa dhamaad mudo 40 sano ah waxqabadkiisii laga tixraaci karo.

Kadibna waxaa laqiimeeyay boardigii hore ee foundationka oo kakoobnaa xubno mas’uuliyiin sare ah oo kasoo jeeda deegaanada dalka oo inta badan goob-joog ahaa marka laga reebo madaxwaynihii hore ee deegaanka binishangul gumuz mudane Axmednaasir oo isagu geeriyooday-Allah ha unaxariistee .

Iskusoo wada duuboo, waxaa 13kii xubnood ee hore ee dib loo soo doortay kamid ah marwo Azeb Mesfin, mawro sabahat meles, mudane shiferaw shigute, mudane tewodros, madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar kale iyadoo dhamaan xubnahan dib loo soo doortay ay muujiyeen karti, fir-fircooni iyo dadaal dheeri ah islamarkaana ay shaqooyinkii loo idmaday uguteen si daacadnimo iyo xilkasnimo kudheehan tahay.

Comments are closed