xafladii lagu daah-furayay mashruuca cusub dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka wajigiisa 2aad ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil, masuuliyiin ka socotay wasaarada caafimaadka JDFI iyo masuuliyiinta ugu saraysa hay’adahan fulinaya mashruucan
waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii xafladaa wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI dadaal xoogan ugu jiro sidii bulshada DDSI loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh mashuucanna qayb ka yahay dadaaladaasi . Wasiirka ayaa intaa ku daray in mashruucan maanta la daah-furayaa wax-wayn ku soo kordhin-doono dadaalada loogu jiro gaadhsiinta adeeg caafimaad oo tayaysan bulshada Reer-guuraaga ah ee DDSI gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.
Dhankiisa maareeyaha mashruuca Dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo warbaahinta warbixin dheeriya ka siiyay shaqooyinka mashruucan uu qaban-doono ayaa sheegay in uu kaalin libaax ka qaadan doono ka midho dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska caafimaadka DDSI gaar ahaan kor u qaadida adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaan. Maareeyaha ayaa codsi u diray maamulada heer gobol iyo heer degmo codsi gaasi oo ahaa in ay gacan siiyaan, dabagalaan lana xisaabtamaan fuliyayaasha mashruuca si bulshada loo gaadhsiiyo adeegyada loogu talagalay in looga faa’iideeyo.
mashruucan cusub ee maanta la daah-furay ayaa waxa uu oo socon doona muddo 2 sano ah wuxuuna daba socdaa xoojina u yahay mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka qaybtiisii 1aad (RIF) ee uu xafiiska caafimaadka DDSI uu hirgaliyay, mashruucan cusub ayaa ka hawlgalidoona 76 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 5 maamul magaalo.
Comments are closed