Haddaba soo xidhitaankii tababarkaasi ka dib ayaa loo qaybtay saraakiishan ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya xaflad lagu soo xidhayay tababarkaasi oo ka dhacday madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciimada qaranka qaybta koonfurbari itoobiya oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya. General Abraham Wolde Mariam.
Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa heeso wadaniya, dhaantooyin iyo madadaalooyin kale ku soo bandhigayay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo kooxda fanka iyo suugaanta ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya.
Comments are closed