Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa fulinta qorshayaashii u dajisan maamulada degmooyinka gobolka afdheer ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, gaar ahaan adeegyada horumarka ee ay ka mid yihiin waxbarashada biyaha iyada oo mudada uu socdo shirkan lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka afdheer
[AdSense-A]
Haddaba shirkan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka afdheer iyo masuuliyiinta maamulka gobolka afdheer ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay gudoomiyaha gobolka afdheer mudane Madoobe Macalin Ibraahin wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta mudada uu socdo xooga la saaridoona fulinta qorshayaashii u yaalay degmooyinka gobolka afdheer rubuca 2aad ee sanadkan taasi oo lagu xaqiijinayay guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta qorshihii dajisanaa rubucan gaar ahaan waxqabadka dhinacyada adeegyada horumarka sida, waxbarashada.dhinaca biyo, caafimaadka iyo adeegyada kale oo horumarka Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo bixidoonaa go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waayo aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.
waxaana furitaankii shirkan ka dib la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka degmooyinka gobolka afdheer kuwaasi oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigayay warbixinta waxqabadka loogana doodayay. Shirkan ayaa socon doona maalmaha soo socda.
Comments are closed