Wafdi Maal-gashi ku sameynsan Dalka & Deegaanka Kulan Layeeshay Masuuliyiin Heer Federaal

15942857_1874334022844306_1143609829_oAddisababa (estvlive) 09/01/2017

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Qurbajoogta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Ku dhiiri galiyay in ay Maalgashi Ku sameystaan Dalkooda iyo deegaankooda hadaba Waxaa waqtigan Xaadirka ah ku sugan Magaalada Addisababa Wafdi uu Hogaamin Cabdirisaaq Sheekh Cabdullaahi oo ka mid ah Qurbajoogta u dhalatay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Wafdi Maal-qabeyn uu Hogaamin.

 

federaalWafdigan Ayaa Maanta Waxey kullan Laqaateen Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Federaalka Itoobiya oo ay kamid yihiin Mudane  Asress Woldegiorgis  Director, Alternative Energy Technology Development Directorate , Mudane Aberaeron Mulatu general director agriculture investment agency, Mudane Abity Getaneh Directory Water and Energy resear directorate,

[AdSense-B]

Muddooyinkii u dambeeyay Ayaa Dalka iyo deegaanka ku soo Qulqulaya Muwaadiniin u dhalatay deegaanka sidii ay u Maalgashan Lahaayeen islamarkaana iyagoo raaca shuruucda dalka u taala ee dhanka Maalgashiga heer deegaan ilaa heer federaal oo waafaqsan waxaa xilligaan muuqanayesaa fursado badan dhanka maal-gashiga ah.

Ganacsato shisheeye ah iyo hay’adaha maal-gashiga ee caalamiga ah ayaa u arka dalka Itoobiya inay tahay meel la maal-gashan karo, haddaba, Shirkadan Maal-gashiga  ee dalka Yurub ayaa kulan layeesheen Masuuliyiin katirsan heer federaal iyagoo halkaasi isku afgartay islamarkaana Wafdigan ayaa waxey ku wajahan yihiin Arabacada 11.01.2017 Magaalada Jigjiga Xarunta Maamulka Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Waxeyna Kulan Layeelan doonaan Masuuliyiin katirsan Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya

 

 

 

Comments are closed