Haddaba, munaasabadii nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu wareejiyay guryahan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in xukuumada DDSI in dadaal xoogan ugu jirto balaadhinta nidaamka guriyaynta DDSI. Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in guryahan maanta nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu wareejinayo kooxaha fanka iyo suugaanta ee soo galay halgan faneedkii qaybta ka ahaa hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hirgalay DDSI ay qayb ka yihiin dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto balaadhinta nidaamka guriyaynta.
Dhankooda qaarka mid ah kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ee lagu wareejiyay furayaasha guryahan ayaa sheegay in aad iyo aad ugu faraxsan yihiin guryahan casiriga ah ee ay xukuumada DDSI ku wareejisay , iyaga oo u mahad naqay xukuumada DDSI ee ku wareejisay maanta guryaha waxayna sheegeen in ay maanta xukuumada DDSI dabooshay baahidii ka haysatay dhinaca guryahay.
Comments are closed