Waxaana ka hadlay furitaankii munaasabadan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5sano, wasiirka ayaa ka warbixiyay dadaalada balaadhan ee xafiiska caafimaadku ugu jiro sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa ee ay ka mid tahay dabashay (polio) isaga oo sheegay in guud ahaanba uu maanta ka bilowday talaalkan ka hortaga cudurka dabayshu degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI. wasiirka ayaa ku booriyay masuuliyiinta maamulada heerarkooda kala duwan iyo waalidiinta caruurtu in ay kaalin libaax ka qaatay hirgalinta ol olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha.
Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii xafladan Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaad ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska caafimaadka DDSI ugu jiraan sidii loo joogtayn lahaa qorshaha lagaga hortagayo dhamaanba cudurada faafa, gaar ahaan ka hortaga iyo tir tiritaanka cudurka dabaysha(polio) wuxuuna sheegay in ol olaha talaalka ka hortaga iyo dabar goynta cudurka dabaysha in uu si rasmiya uga bilowday dhamaan degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI Isaga oo si mug leh ugu booriyay waalidiinta in ay caruurta da-doodu ka yar tahay shan jir u diyaariyaan talaalka, sidoo kale waxa uu mamuulku kula dar-daarmay iyo xirfadlayaasha caafimaadka deegaanka ee fulinaya ol-olahan in ay u fuliyaan sidii loogu talagalay gaadhsiinaayna goobkasta iyo gurikasta.
Gabagabadii xafladan ayaa waxay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali iyo agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadku dhib-cihii ugu horeeyay wareegan 1aad ee talaalka ka hortaga iyo tir tirida cudurka dabaysha ay ku tiixiyeen/dhib-ciyeen caruurtii da-doodu ka yarayd 5 jirka ee ka soo qayb-galay xafladan furitaanka.
Comments are closed