Wasiirka Qurbajoogta Mudane Badri Yusuf Cismaan, Wasiirka Maalgalinta DDSI Mudane Cabdinaasir Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Madaxtooyada DDSI Mudane Cabdi wali, Wasiir Kuxigeenka Wasiir Kuxigeenka Xidhiidhka Arrimaha dawlada Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Baashe Cabdi Ismaaciil, iyo Masuuliyiin kale,
Wafdigan ayaa Waxaa loo Soo galbiyay Xarunta Maamulka DDSI ee Magaalada Jigjiga Wafdigan ayaa Waxey Kulan la yeelan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Waxeyna Warbaahinta DDSI u sheegeen in ay Ku farax san yihiin sida weyn ee loogu soo dhaweeyay Garoonka Garaad wiil-waal Airport
Qurbajoogta u dhalatay Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya waxey ka qeyb qadanayaan sidii deegaanka loo hormarinlahaa Islamarkaana Ganacsato shisheeye ah iyo hay’adaha maal-gashiga ee caalamiga ah ayaa u arka dalka Itoobiya inay tahay meel la maal-gashan karo, haddaba, Shirkadan Maal-gashiga ee dalka Yurub ayaa kulan layeesheen Masuuliyiin katirsan dawlad deegaanka somalida itoobiya
Comments are closed