Hadaba tababarkan oo ay hayeen xubno ka socday wasaarada xeer ilaalinta iyo cadaalada JDFI ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii loo ilaalinlahaa xuquuqda aadahamaha loona sii xoojin lahaa qodobada ka hadlaya xuquuqul insaanka ee ku xusan tastuurka, Wuxuuna afhayeenku intaa ku daray inuu tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana kor uqaadaya garaadka siyaasadeed iyo mid aqooneedba, maadaamo uu yahay mid dhan walba ka taabanaya sida loo ilaalinlahaa xuquuqda aadamaha.
Ugu danbayna wuxuu afhayeenku kula dardaarmay xildhibaanada inay ka faaiidaystaan tababarka mudada uu socdo maadaamo uu yahay tababar aad muhiim u ah.
Comments are closed