Waxaana Xafiiskeeda Ku qaabishay Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Ahna Wasiirka Hormarinta Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Marwo Sucaad axmed Faarax haalkaasi ay kusoo dhaweysay Wafdiga ayna kawada hadleen Qorshooyinka iyo istaraajiyada dhanka maalgashiga heer deegaan iyo fursadaha Maalgashi ee deegaanka ka Jira islamarkaana Xukumaada Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya At soo dhaweynayso.
[AdSense-A]
Wafdigan ayaa waxey Booqdeen warshada hilibka ee Jesh oo laga hirgaliyay tuulada dhagaxle ee degmada gursum Waxaana halkaasi looga warbixiyay warshadan ayaa waxey shaqo abuur u samaysay 1200 qof oo ah muwaadiniin u dhashay deegaanka islamarkaana dhanka kalena ay kaalin balaadhan ka qaadanaysha hawlaha horumarka gaar ahaan suuqgaynta xoolaha deegaanka taasi oo bulshada deegaanka oo hodan ku ah xoolo dhaqatada ay u suurta galinayo in ay u helaan suuq ay xoola hooda ku iibiyaan oo markii hore aan lahayn warshad noocan oo kale ah.
Ugu dambeyntii Wafdigan ayaa booqan doona Goobaha ku haboon dhanka maalgashiga ee deegaanka somalida Itoobiya Qurbajoogta u dhalatay Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya waxey ka qeyb qadanayaan sidii deegaanka loo hormarinlahaa Islamarkaana Ganacsato shisheeye ah iyo hay’adaha maal-gashiga ee caalamiga ah ayaa u arka dalka Itoobiya inay tahay meel la maal-gashan karo, haddaba, Shirkadan Maal-gashiga ee dalka Yurub ayaa kulan layeesheen Masuuliyiin katirsan dawlad deegaanka somalida itoobiya
Comments are closed