Hadaba, deeqdan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixisay wasiirka xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Reer-guuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal oo sheegtay in deeqdani ay tahay deeq ka kooban calafka xoolaha islamarkana loogu talagalay in loo qaybiyo dhamaan xoolo-dhaqatada ku kala nool degmooyinka hoosyimaada gobolka doolo iyadoo calafkan xoolahana lagu dajindoono islamarkaana lagu qaybin doono ceelasha ay xooluhu ka cabbaan ee ay isugu yimaadaan
Wasiirada oo hadalkeeda siiwadata ayaa tilmaantay in deeqdani ay san ahayn tii ugu horaysay islamarkaana aysan noqondoonin tii ugu danbaysay waxayna u mahadcelisay xukuumada DDSI iyo haaydaha dawliga ah ee heer dal iyo heer deegaanba.
Ugudanbayna, wasiirada ayaa bulshada deegaanka u ducaysay iyadoo xustay in allaha raxmaanka ahi uu roobab khayrqaba oo dagdag ah siiyo bulshada DDSI.
Comments are closed