Ra’iisal wasaaraha waxaa uu magaalada Jigjiga u joogay laba maalmood xuska maalinta xoolo dhaqatada ee Itoobiya.
Waraysiga ayaa Cabdisalaan Hereri waxyaabaha uu ku waydiiyay raiisal wasaaraha Ethiopia waxaa Ka mid ah abaaraha dalka Ethiopia isaga oo intii uu ku sugnaa qaybta ismaamulka Somalida soo booqday magaalooyinka Qabri Dahare iyo Gaashaamo.
Xaalada wakhtigan ee deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, madaxwaynaha cusub ee loo doortay Maraykanka ee Donald Trump iyo saameynta ay ku yeelan karto Afrika, gaar ahaana hawlaha nabad ilaalinta ee Itoobiya qeybta ka tahay sida Soomaaliya oo kale.
Ra’iisal wasaarahu waxaa kale oo uu waraysiga kaga hadlayaa khilaafka webiga Niilka ee u dhexeeya wadankooda iyo dalka Masar.
Ugu danbeyntii, Hailemariam Desalegn waxaa kale oo uu Cabdisalaan Hereri ka waraystay arimaha Soomalia iyo Soomaaliland, wareysigaasi waxaa uu ka bixi doonaa Universal TV,Jimcaha 3 February,9 fiidnimo ee Afrikada bari,6 wakhtiga UK
Comments are closed