Marka weerarku dhacaayey waxaa masjidka ku sugnaa oo ku cibaadeysanaayey 40 qof. Ugu yaraan 6 qof ayaa weerarka lagu diley waxaana ku dhaawacmey 8 qof sida ay Boolisku xaqiijiyeen.
Warbaahinta gudaha ayaa muujineysa ciidamada Booliska iyo gawaarida gar-gaarka oo gaarey Masjidka Quebec City Islamic Cultural Center.
Guddoomiyaha Masjidka la weearay oo lagu magacaabo Mohamed Yangui ayaa warbaahinta la hadley waxaana uu is weydiiyey sababta keentey weerarkan cadownimada ah. Mohamed Yangui ayaan joogin Masjidka xiliga weerarku dhacaayey, wuxuuse shegay in markiiba Telefon lagula soo xiriiray.
Raysalwasaaaha dalka Kanada ayaa tacsi u direy dhamaan kuwa waxyeeladu ka soo gaartey weerarka wuxuushnimo ee masaajidka lagu qaadey. Follow
Justin Trudeau ✔@JustinTrudeauTonight, Canadians grieve for those killed in a cowardly attack on a mosque in Quebec City. My thoughts are with victims & their families.
Mamsjidka la weeraray ayaa sanadkii 2016 loo geystey foolxumeyn kadib markii albaabka Masjidka la dhigey madax Khaansiir oo sida hadiyad loo soo xiray.
Comments are closed