Haddaba maanta ayaa waxaa kulan wada yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi.
Waxeyna kawada hadleen sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka labada dal Madaxweynaha Dalka masar Abdel Fattah Al-Sisi. Ayaa wuxuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, in uu booqasho saaxiibtinimo ah dalka Masar ku soo gaadho sifa ay uga wada shaqeeyaan xiriirka labada dal, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ka aqbalay casuumada
Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalka Suudaan Omar Al- Bashir waxeyna kawada hadleen sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka maalgashiga labada dal Itoobiya iyo Suudaan.
Comments are closed