” weftga waan uga waranay xaalada abaareed ee dalka ka kajirta iyo wixii aanu ku soo aragnay degaanadii aanu kormeerka ku tagnay, sidoo kale wan uga waranay in sidii larabay ama ay ahaydba in beesha caalamku arintaa uga jawaabto madaama aanu ka hadalay wakhti hore abaarta ka jirta Puntland” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay
“dhankooda iyana waa ay garaabeen laftoodu maadaama ay iyana ku xidhan yihiin wadamada deeqda bixiya, hadana wixii ay hayaan oo suurtogala waan ka rajaynaynaa inay lasoo gaaraan dadka abaartu samaay ha ahaadeen kuwa ku soo hamaamay Puntland iyo kuwa reer Puntland-ba” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Gabagabadii, Lacagta ay ku yaboohday Qaramada Midoobay oo loogu talagalay guud ahaan Soomaaliya, ayaa Peter De Clracq wuxuu xusay in Dawladda Puntland muhiimad gaara ay siindoonaan maadaama ay tahay meesha keliya ee ay ku soo haayaameen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed, ku waas oo ka kala yimi waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Soomaaliya.
Comments are closed