Waxaana furitaankii xuskan ka soo qaybgalay masuuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI oo uu ka mid yahay wasiirka wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI mudane Kabadhe Chane, masuuliyiin ka socday wasaaradaha heer faderaal ee ay bah-wadaagta yihiin wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI, gudoomiyayaasha Gobolada DDSI, masuuliyiinta maamulada magaalooyinka DDSI gudoomiyayaasha degmooyinka DDSI ee ku yaala xuduudaha dalka iyo masuuliyiin ka socday wakaaladaha dakhliga ee deegaanada dalka,
Waxaana, furitaankii xuskan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka bixiyay ahmiyad uu leeyahay xuska todobaadka dakhliga dalkeena itoobiya, madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in dakhliga dalku lafdhabar u yahay ka midho dhalinta guud ahaanba qorshayaasha horumarineed ee wadanka kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay, kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadida nolosha bulshada. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay guulaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka soo hoysay hirgalinta nidaamka ganacsiga sharciga ah iyo la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah taasina ay keentay in la isticmaalo wax soo saarka deegaanka, dalka iyo ganacsiga sharciga ah.
Waxaa isna dhankiiska ka hadlay furitaankii xuskan wasiirka wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI mudane Kebadhe Chane oo ugu horayntii u mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI ee martigalisay xuskan todobaadka dakhliga heer qaran, wuxuuna ka hadlay ahmiyada laga leeyahay xuska todobaadka dakhliga. Wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xuduuda dheer ee uu wadanku layeeyahay wadamada aan dariska nahay iyo sida loo xakameeyay ganacsiga sharcidarnada ah. wasiirka yaa dawlada deegaanka somalida itoobiya ku amaanay qorshayaasha cilmiyaysan ee ay ku hirgalisay nidaamka la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah, guulaha ay ka soo hoysay iyo hirgalinta ganacsiga ah sharciga ah.
Xuskan todobaadka dakhliga heer qaran oo maanta galinhii hore furmay ayaa halkiisa ka sii socon doona maalmaha soo socda iyada oo lagu soo bandhigayo warbixino ku saabsan guulaha laga dhaagay dhinaca dakhliga, la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah, nidaamka cashuuraha iyo hirgalinta ganacsiga sharciga ah.
Comments are closed