Xuska Todobaadka Dakhliga Heer Qaran Oo Ka Furmay Jigjiga.

0000aakw1Jigjiga (estvlive) 03/02/2017

Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan Madasha   shirarka ee kaali2 ee xarunta madaxtooyada DDSI  munaasabada xuska todobaadka dakhliga dalkeena Itoobiya oo sanadkan lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga.

 

0000aakw2Waxaana furitaankii xuskan ka soo qaybgalay masuuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI oo uu ka mid yahay wasiirka wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI mudane Kabadhe Chane, masuuliyiin ka socday wasaaradaha heer faderaal ee ay bah-wadaagta yihiin wasaarada dakhliga iyo jibriyada JDFI, gudoomiyayaasha Gobolada DDSI, masuuliyiinta maamulada magaalooyinka DDSI gudoomiyayaasha degmooyinka DDSI ee ku yaala xuduudaha dalka  iyo masuuliyiin ka socday wakaaladaha dakhliga ee deegaanada dalka,

0000aakw4Waxaana,  furitaankii xuskan ka hadlay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka bixiyay ahmiyad uu leeyahay xuska todobaadka dakhliga dalkeena itoobiya, madaxwaynaha DDSI  ayaa sheegay  in dakhliga dalku lafdhabar  u yahay  ka midho dhalinta guud ahaanba qorshayaasha horumarineed  ee wadanka kaga mid noqonayo  wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay, kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadida nolosha bulshada. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay guulaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka soo hoysay hirgalinta nidaamka ganacsiga sharciga ah iyo la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah taasina ay keentay  in la isticmaalo  wax soo saarka deegaanka, dalka iyo ganacsiga sharciga ah.

0000aakw5Waxaa isna  dhankiiska ka hadlay furitaankii xuskan wasiirka wasaarada dakhliga iyo jibriyada  JDFI mudane Kebadhe Chane oo ugu horayntii u mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI ee martigalisay xuskan todobaadka dakhliga heer qaran, wuxuuna ka hadlay ahmiyada laga leeyahay xuska todobaadka dakhliga. Wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xuduuda dheer ee uu wadanku layeeyahay wadamada aan  dariska nahay iyo sida loo xakameeyay ganacsiga sharcidarnada ah. wasiirka yaa dawlada deegaanka somalida itoobiya ku amaanay  qorshayaasha cilmiyaysan ee ay ku hirgalisay nidaamka la dagaalanka  ganacsiga sharcidarnada ah, guulaha ay ka soo hoysay  iyo hirgalinta ganacsiga ah sharciga ah.

Xuskan todobaadka dakhliga heer qaran  oo maanta galinhii hore furmay ayaa halkiisa ka sii socon doona maalmaha soo socda iyada oo lagu soo bandhigayo warbixino ku saabsan guulaha laga dhaagay dhinaca dakhliga, la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah, nidaamka cashuuraha iyo  hirgalinta ganacsiga sharciga ah.

Comments are closed