Ragga dhalinyarrada ah oo ay Al-shabaab dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/llaahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.
Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab ayaa sheegtay in raggan lagu hellay dhamaanba danbiyadii lagu soo eedeeyay, taasoo ku riday xukun dil ah.
Al-Shabaab ayaa inta badan toogta ama howraca dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ama kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM .
Marar badan oo hore ayeey sidan oo kale meel fagaaro ah ku toogteen dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay basaas yihiin.
Comments are closed