Dilalkii ugu badnaa ayaa waxaa Soomaalida dhawaan loogu geystay galbeedka Cape ama Western Cape.
Asbuucii lasoo dhaafay saddex Soomaali ah ayaa isku mar lagu dilay khaas ahaan meesha loo yaqaano Khayelitsha oo ka tirsan Western Cape.
‘Maahan markii ugu horeysay ee dilalku dhaceen. Celcelis sanad walba in ka badan 100 Soomaali ah ayaa lagu dilaa dalkaan. Kala bar boqolka waxaa lagu dilaa Western Cape’. Sidaa waxaa yiri Caamir Sheekh oo guddiga jaaliyada ka tirsan.
Soomaalida ayaa sheega in dadka Koofur Afrika ay u laayaan nacayb dartii laakiin iminka ayaa boolisku sheegayaa in dilalka qaar ay yihiin un falal dambiyeed.
Comments are closed