Xafiiska biyaha ee dawladda deegaanka Somalida itoobiya ayaa maanta u diray Gobolka jarar iyo Qoraxey koox ingineero ah oo u dhameystiran dhamaan qalabka biyaha lagu soo saaro.
Koxdan ayaa waxey bar tilmaameysanayaan goobaha ay ka jirto biyo la’aanta xoogan mid ka mid ah Ingineerida ayaa warbaahinta DDSI u sheegay isaga iyo teamkiisa ay jawaab degdeg ay ka bixin doonaan islmarkaana ay ku dadaali doonaan in ay wax weyn ka qabtaan goobaha biyo la’aanta ay ka jirto ayuu yiri Ingineeka
Ugu Dambeyntii, Xuumadda dawlada deegaanka Somalida itoobiya ayaa waxey dadaal Xoogan Ugu jirta sidii shacabka deegaanka ay uga samatabixin laheyd Abaaraha ku habsaday qaar ka mid ah Deegaanka
Madaale NogobNews jigjiga
estvnews@hotmail.com
Comments are closed