Xafladan hadhimo sharafeedka ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha X.D.SH.S.I mudana Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane maxamuud axmed nuur (heeryo) wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada DDSI.
Dhinaca kale waxaa maalmihii la soodhaafay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ku sugnaa wafti ka socday somaliland oo uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga kulmiya ahna musharaxa madaxwaynaha somaliland ee xisbiga kulmiye ee haya talada dalka somaliland mudane muuse biixi cabdi kuwaas oo soo booqday soona arkay mashaariicaha horumarineed ee dawlada deegaanka soomlida itoobiya ka hirgalisay caasimada ddsi ee magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda.
Waxaa kale oo xusid mudan in DDSI ay ku sugan yihiin arday aad u tiro badan oo ka yimiday somaliland oo deeq waxbarasho ay siisay DDSI taasi oo muujinaysa sida xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya ahmiyad wayn u siinayso daris wanaaga iyo wadashaqaynta dariska wanaaga ee dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, iskaashiga, nabadgalyada iyo xidhiidhka dhaqan dhaqaale.
Comments are closed