Hoggaamiyeyaal kasoo jeeda waqooyi bari Kenya oo dhaleeceeyay KDF kadib markii KDF ay rasaas ku fureen bas

20172146362263491559755022017214636226332853753000localsKenya (estvlive) 14/02/2017

Hoggaamiyeyaal kasoo jeeda waqooyi bari Kenya ayaa dhaleeceeyay ciidamada KDF kadib markii KDF ay rasaas ku fureen bas dad rayid ah siday.

Baskaa ayaa marayay inta u dhexeysa magaalada Dadajabula iyo tuulada Sarif ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ee Soomaalidu dagto.

Hal qof ayaa baska ku dhintay dad badan oo kale oo rakaab ahaana waa dhaawacmeen. Falkaa ayaa dhacay Sebtidii aanu soo dhaafnay walow warbaahintu iminka kusoo baraarugtay kadib dhaleeceynta hoggaamiyeyaasha waqooyi bari ka timid.

Baskaa ayaa ka tagay magaalada Dadajabula wax yar ka hor intii ciidamada KDF aysan xabbadeyn.

Aabaha dhalay qofka la dilay oo ahaa nin lagu magacaabi jiray C/Fataax oo hawl u hayay baska Sagal Bus ayaa iminka doonaya in dawlada Kenya ay sharraxaad ka bixiso dilka wiilkiisa loo geystay.

Hoggaamiyeyaasha waqooyi bari Kenya ayaa iyana sheegay in ay xaqiijin doonaan in askartii falkaa ka dambeysay caddaalada la horgeeyo.

 

Comments are closed