Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.
Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.
Lahaanshaha sawirkaAFPWaa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.
Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay “In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda”.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESTrump wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay, laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida.
Flynn ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa’id ee madaxweyne Trump iyo ra’iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii.
Lahaanshaha sawirkaREUTERSTrump oo labo saxafi siiyay fursad ay su’aalo ku waydiin karaan ayaan su’aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga baxsay jahwareerkan taagan.
Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yiri “maya, arrintaasina sinaba uma dhici karto”.
Lahaanshaha sawirkaAPxigasho bbc
Comments are closed