Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay xaalada dalka uu marayo, xil wareejinta lagu wado inay dhacdo maalinta berri.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay munaasabada caleema saarka oo lagu wado inay dhacdo 22ka bishan oo ku beegan arbacada soo socda iyo qaban qaabada dowladda ku jirto.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ku guda jira maalmihii u dambeysay ee Villa Somalia, iyadoo lagu wado in maalinta berri uu wareejiyo xafiiska.
Ugu danbeyntii, kulamadan ayaa qeyb ka ah talaabooyinka loogu sii gogol xaarayo sidii madaxweynaha cusub ula wareegi lahaa xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo uu sii baneynayo madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.
Comments are closed