Dadka ka soo qeyb galay oo isugu jiray masuuliyiin dowladda katirsan iyo dadweyne kale ayaa dhammaantood muujinayay dareen ah in isbadalka dalka ka dhacay loo baahanyahay in la taageero oo si wanaagsan loo barbar istaago.
Raysil wasaarihi hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay dowladda taageeraan si ay ugu guuleysato howlaha qaran ee laga doonayo in ay dadka iyo dalka u qabato.
Wasiirka caafimadka Xaawo Xasan Maxamed oo iyaga goobta ka hadashay ayaa ku dhiirigelisay dadweynaha in ay la shaqeeyaan dowladda si wax looga qabto baahiyaha dhanka bulshada ee ka jira guud ahaan dalka.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ayaa ka hadlay isbadalka dalka ka dhacay oo ay hormuud ka ahaayeen xildhibaanada labada gole oo ka jawaabayay rabitaanka shacabka, waxaana uu ku amaanay isbadalka ay horseedeen.
Aqoonyahano, Abwaano iyo indheer garad kale ayaa iyagana hadalo qaayo leh iyo dardaaran goobta ka jeediyay waxaana kamid ahaa Dr. Yusuf Sh Cumar ayaa sheegay in doorashadi madaxweyne Farmaajo aysan ahayn mid ay doorteen xildhibaanada oo kaliya, balse la dhihi karo waxay ahayd doorasho guud oo dadka oo dhan ay codkooda siiyeen.
Inkasta oo qaban qaabiyaashu sheegeen in munaasabadani ay ahayd mid jaaliyadda oo dhan ay ka qeyb qaateen haddana waxaa jira warar sheegaya in qaban qaabada xaflado kale oo noocan ah ay ka socodaan magaalada London.
Comments are closed